Somali Peoms






What is Love

About me

Long of love

Somali Peoms

Your Feelings

Kissing

Som_Pic

Friends Page

Contact Page

Guest Book

My School

True Love Story

Somali History

My Pics

  


PEOMS


Waa Gareeraar Isku Dhacayo Ee Aqriso


Gacalisadaan jeclaayeey

Guud ahaan adduunyada

Adaan kaa garwaaqsaday

Gaduudkaaga dhiinka ah baa

Gebigeey isaaqay

Axdigii hagarabmarin

Guursanmaayo inan kale

God inaad gasho mooyee

Ama aad igoysa

Garaadkey wuxuu isiiyey

Guur inaan yagleelnoon

Gurigeey ku geystoon

Gogol kugula seexdo


 

GAWAYADII CILMI BOODHARI

Caashaqa Haween - Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari)

Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada ugu caansan gabayada Cilmi Boodhari. Gabaygan wuxuu marka hore Cilmi ugu jawaabayaa dadkii Cilmi caashaqa kula yaabsanaa. Wuxuuna u sheegayaa caashaqu in aanu layaab lahayn ee yahay wax caadi ah oo Ilaahay aadmiga ku abuuray weligiina uu soo jirey. Dadkana waxa lab iyo dhedig looga dhigay inay is cajebiyaan. Marka xigtana wuxuu dadkan la yaabsan ku lahaa muu gabadhan yar iska ilaawo oo mid kale meelahaa u doonto, in aanay arintu sidaa u sahlaneyn. Wuxuuna u sheegayaa in aanu iska saari karayn caashaqan ku habsadey Ilaahay oo ka saara mooyeene. Waxuu leeyahay wax kastana sameeyey oo wax aan ku bugsado oo iga saara ma hayo, xataa wadaadadii ayaa iga saari kari waayey. Cilmi wuxuu leeyahay waxa keliya ee dawada ii ahi waa anigoo Hodan hela, xaalka aan maanta ku jirona waxaa ka roon anigoo dhinta.

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe
Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene
Soomaalidaa caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayeybaan camal tusaalayne

Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jebinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calaalsho lay diidye
Caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku circadaayeeyey

Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey
Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab daraadeede
Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine
Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye
Inaan kaa calool go'ay naftay caymisoo ogiye
Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.



Qariyo Laabtiyo

Qariya Laabtiina - Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari)

Dad badan ayaa jeclaa inay Cilmi wax la qabtaan hase yeeshee nasiib daradu waxay ahayd qof keliya oo meesha uu doonayo in wax lagala qabto ka gargaari karaysey ma jirin. Waxaa la yidhi koox hablo ah iyo dhalinyaro kale ayaa damcay inay Cilmi ilowsiiyaan jacaylka Hodan iyagoo u keenaya hablo aad u qurxa badan isla markaana fursad u siinaya inuu kala baxo tuu isagu doonayo iyadoon maal iyo mankab kale toona lagu xidhayn loona arooso. Maalin maalmaha ka mida ayaa Cilmi loo keenay gabadho aad iyo aad u qurxo badan si qayral caadi ahna loogu soo lebisey. Ujeedaduna waxay ahayd in Cilmi lagu asqaysiiyo gabadhaahaa qurxaa badan leh dabeedna uu mid ka mid uga xusho oo Hodan iyo jacaylkeeda ilowsiisa. Nasiib daro ma dhicin dadkan iyo Cilmina laba muujadood oo kal duwan ayey ka kala hadlayeen. Waayo waxani wuxuu ahaa wax awooddiisa ka baxsan ee muu ahayn wax uu isagu hogaanka u hayey markuu doonana is jeclaysiinayo markuu doonana is nacsiinayo. Cilmi wuxuu gabdhihii ugu jawaabey tixdan:

Hadday ili wax qabanayso o lagu qaboobaayo
Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo
Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane
Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode
Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene
Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine
Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane
Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane
Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina




















Header4

Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section.

 
Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section.

 
Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section.

 
Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section. Insert new paragraph text in this section.